Kumanaan ka mid ah shacabka ismaamulka Mombasa ayaa sameeyay dibadbax ay ku taageerayaan Falastiin.
Dadweynaha dibadbaxa sameeyay ayaa cambaareeyay weerarrada Isra’iil ay ka gaysaneysa marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Dibadbaxayaasha oo ay hor kacayeen qaar ka mid siyaasiyiinta laga soo doortay dowlad deegaanka Mombasa sida xildhibaanka deegaanka Nyali Maxamad Cali ayaa sitay boorar ay ku qoran yihiin “Falastiin xor ah”.