Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa ku boorriyay maalgashatada Shiinaha inay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi ee ka jira Kenya gaar ahaan dhinacyada tamarta, biyaha iyo guryaha.
Waaxa uu sheegay in Kenya ay taageeri doonto maalgashatada ajnabiga ah, si loo horumariyo kobaca dhaqaale ee wadanka.
Madaxweynaha ayaa xusay inay jiraan fursado badan ee dhinacyada tamarta, biyaha iyo guryaha.
Hadalkan ayuu madaxweynaha sheegay, xilli uu maanta booqasho ku tegay xarunta shirkad sare oo ku taalla magaalada Beijing ee dalka Shiinaha.
Shirkaddan ayaa ka shaqeysa dhinacyada tamarta, dhismaha, qandaraasyada, qalabka iyo wax soo saarka agabyada guryaha lagu dhiso.
Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale goojoog ka ahaa saxiixa heshiis is-afgarad ah oo dhexmaray wasaaradda tamarta iyo batroolka ee dalka iyo dhigeeda tamarta ee Shiinaha.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ugu baaqay maalgashatada Shiinaha inay ka faa’iideystaan fursadaha maalgashi...