Xoghayaha guud ee macallimiinta (KNUT) ee Kenya oo shil galay

0
264

Waxaa lagu soo warramayaa in xoghayaha guud ee ururka qaran ee macallimiinta ee (KNUT), Collins Oyuu uu shil gaari ku galay ismaamulka Kisumu subaxnimadii hore ee maanta.
Shilka ayaa ka dhacay meel u dhow aagga lagu magacaabo Kombewa oo ku taalla waddada xiriirisa deegaanka Bondo iyo magaalada Kisumu.
Madaxa ciidamada taraafikada ee gobolka Nyanza Allan Mwangi, ayaa sheegay in xoghayaha guud ee KNUT uu baabuurkiisa rogmaday xilli uu isku dayay inuu ka fogaado nin baaskili watay oo adeegsanayay waddada.
Mr. Mwangi ayaa intaasi ku daray in xoghayaha KNUT iyo darawalkiisa aysan waxyeello ka soo gaarin shilka.
Hasa ahaate uu dhaawac soo gaaray wadihii baaskiliga.