Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa walaac ka muujiyay qaabka ay saraakiisha ammaanka mararka qaar ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada uga saaraan dhulalka dadweynaha ee ay deggan yihiin.
Waxaa uu ku baaqay in ka hor inta aan shacabka la barakicin in lala tashado guddiyada amniga ee aaggaasi.
Gachagua ayaa xilli uu ku sugnaa ismaamulka Nyandarua, hoosta ka xarriiqay inay qasab tahay in tallaabo kasta oo lagu duminaya dhismooyinka ku yaalla dhulalka dowladda ee ay shacabku leeyihiin loo maro habraac sharciyeed.
Waxaa uu xusay in aan marnaba la oggolaan doonin siyaabo uu ku tilmaamay kuwo baniaadannimada ka baxsan oo dadka lagu barakiciyo iyadoo aan tani laga wada tashan.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa tusaale u soo qaatay dhacdo dhawaan laga soo tabiyay magaalada Ol Kalou ee ismaamulka Nakuru halkaasi oo saraakiisha booliiska ay isku dayeen inay burburiyaan meherado ganacsi oo laga dhisay meel u dhow khadka tareennada.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda shacabka sidaasi awgeedna la doonayo ka hor inta aan dad laga saarin halka ay deggan yihiin in loo diyaariyo meel kale.
Dhanka kale madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa saraakiisha ammaanka iyo kuwa maamulka ee Nyandarua ku bogaadiyay horumarka ay ka sameeyeen la tacaalidda khamriga sharci darrada ah balse waxaa uu u digay mas’uuliyiinta aan waajibaadkooda shaqo uga soo bixin sidii laga doonayay.