Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in dowladda Kenya aynan marnaba ka laaban doonin qorshaha 1,000 ka mid ah ciidamadeeda booliiska ay ku gaynaysa dalka Haiti.
Hoggaamiyaha Kenya oo qorshahan difaacay ayaa sheegay in ciidamada dalka ay diyaar u yihiin hoggaaminta iyo ka qayb galka howlgalka nabad sugidda ee Haiti.
Baarlamaanka ayuu ka codsaday inuu arrinkan taageero.
Tani ayaa imaanaysa maalmo un ka dib markii maxkamadda sare ee dalka ay arrinkan hor istaagtay.
William Ruto ayaa xusay in ciidamada Kenya ee la gaynaya Haiti ay tahay mas’uuliyad caalami ah oo la fulinaya.
Waxaa uu intaasi ku daray in Kenya aynan si iskeed ah u go’aansan qorshahan balse ay jiraan waddamo badan oo soo far fiiqay iyagoo ku bogaadinaya kaalinta ay ka qaadatay xasilinta waddamo ay colaado saameeyeen.
Wadanka Haiti ayaa waxaa ka taagan rabshado iyadoo ay saraakiisha ammaanka la dagaallamayaan kooxo hubeysan.