Wasaaradda waxbarashada oo soo saartay jadwalka tacliinta ee sanadka 2024

0
670

Wasaaradda waxbarashada ee dalka ayaa soo saartay jadwal sanadeedka howlaha tacliinta ee 2024-ta.
Jadwalkan ayaa loogu tala galay inay adeegsadaan dugsiyada hoose , kuwa dhexe , dugsiyada sare iyo machadyada lagu tababaro macallimiinta.
Sida qorshaha wasaaradda ku cad,xilli dugsiyeedka koowaad ee sanadka dambe ayaa billaaban doono 8-da bisha 1-aad ee Jannaayo wuxuuna soconaya ilaa 5-ta bisha Afaraad.
Waxaa uu ka koobnaan doonaa muddo 13 isbuuc ah.
Hasa ahaate ardayda ayaa qaadan doono fasax sadeex cishe ah laga billaabo 29-ka bisha labaad ilaa 3-da Maarso.
Ka hor inta uunan billaaban xilli dugsiyeedka labaad, waxay ardayda qaadan doonaan fasax saddex toddobaad ah.
Xilli dugsiyeedka labaad oo ka koobnaan doono 14 isbuuc ayaa billaabanaya 29-ka bisha Afaraad wuxuuna ku egyahay 2-da bisha Siddeedaad iyadoo fasaxa yar uu noqon doono inta u dhexeysa 20-ka ilaa 23-ka bisha Lixaad.
Intaasi ka dib waxay ardayda guriyaha ku sugnaan doonaan saddex isbuuc oo fasax ah.
Xilli dugsiyeedka 3-aad ee sanadka 2024-ta ayaa billaaban doono 26-ka bisha Siddeedaad wuxuuna soconaya ilaa 25-ka Oktoobar.