Ciidamada ammaanka ee deegaanka Marani ee ismaamulka Kisii ayaa gacanta ku dhigay eedeysane 72 sano jir ah oo lagu magacaabo Henry Ondieki.
Ninkan ayaa lagu eedeyay inuu gabadh ay da’deedu tahay 2 sano ku faraxumeeyay tuulada Ngokoro ee ismaamulkaas.
Josephine Nyaboke oo ayeeyo u ah gabadha la dhibaateeyay ayaa dhacdadan warbaahinta u sheegtay.
Gabadh yar ee la faraxumeeyay ayaa hadda lagu daaweynayaa isbitaalka weyn ee Kisii .
Ciidamada ammaanka ayaa wado baaritaano dheeraad ah oo arrinkan ku aaddan si eedeysanaha dacwad loogu soo oogo.