DHAGEYSO:Gaadiidleyda Kajiado oo billaabay inay shidaal u raadsadaan Tanzania

0
292

Waxaa lagu soo warramayaa in gaadiidleyda ismaamulka Kajiado gaar ahaan kuwa xiga dhanka magaalada Namanga oo ku taalla xadka Kenya iyo Tanzania ay bilaabeen inay shidaalka ka soo iibsadaan Tanzania.
Tani ayaa timid ka dib markii 15-kii bishan maamulka qaabilsan adeegyada tamarta iyo batroolka ee dalka ee EPRA uu kordhiyay qiimaha lagu iibiyo noocyada kala duwan ee shidaalka.
Gaadiidleyda ayaa sheegaya in shidaalka uu qiimihiisu uga raqiisan yahay Tanzania sidaasi awgeedna ay door bideen inay halkaasi ka soo iibsadaan.
Tallaabadan ayaa saameyn ganacsi ku yeelatay shirkadaha shidaalka iibiya ee gudaha dalka gaar ahaan kuwa Kajiado.