Waxaa lagu soo warramayaa in dad aan weli haybtoodu la garan ay xalay afduubteen madaxii hore ee kooxdii wadanka laga mamnuucay ee Mungiki ,Maina Njenga.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday qareenkiisa oo lagu magacaabo Ndegwa Njiru.
Garyaqaanka ayaa laga soo xigtay in afduubka uu abaare 11:10 daqiiqo ee habeenimo ka dhacay aagga Ndederu ee ismaamulka Kiambu .
Waxaa uu Njiru intaasi ku daray in baabuurka Maina Njenga lagu hor qabtay gaari kale oo ay taargadiisu tahay tan dalka Suudaan ka dibna isaga iyo gacan yarihiisi lagu amray inay baabuurkaasi galaan lana kaxeeyay.
Qareenka ayaa intaasi ku daray in shakhsiyaadkan aynan isku sheegin Njenga iyo Felix Lakishe.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in maxkamadda Makadara ee magaalada Nairobi ay berri soo qaado kiis la xiriira hub Maina Njenga lagu eedeyay inuu haysto.
19-kii bishii Toddobaad ee sanadkan ayay ahayd markii la qabtay Maina Njenga, hoggaamiyihii hore ee kooxda Mungiki.
Waxaa uu 25-kii bishaasi ka soo hormuuqday maxkamadda Makadara isagoo lagu siidaayay damaanad lacageed oo dhan 100,000 oo shilin.