Shacabka kenyaanka ah ayaa walaac ka muujiyay go’aan uu maamulka qaabilsan adeegyada tamarta iyo batroolka ee EPRA uu ku kordhiyay qiimaha shidaalka.
Isbeddelkan oo dhaqan galay laga soo billaabo saqdii dhexe ee xalay ayaa shaqeyn doono ilaa 14-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.
Nooca batroolka ee loo yaqaano Super Petrol ayaa qiimaha tafaariiqda ah lagu iibin doonaa 211.64 shilin halkii liitar.
Maamulka ayaa sheegay in shidaalka Diesel-ka ama naaftada halkii liitar lagu iibin doono 200.99 shilin halka Kerosine uu noqonaya 202.61 shilin.
EPRA ayaa tani u aaneysay inuu kordhay qiimaha shidaalka looga soo dejiyo dibadda dalka.
Qaar ka mid ah kenyaanka oo ay ka mid yihiin wadayaasha mootooyinka ayaa warbaahinta la wadaagay dareenkooda arrinkan ku aaddan.
Ururka ay ku mideysan yihiin milkiilayaasha gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda ayaa dhankooda sheegay inay kordhin doonaan qiimaha lagu raaco baabuurta maadaama aynan waddo kale u furnayn.
Dhanka kale maamulkan ayaa kenyaanka ugu baaqay inay soo codsadaan leesimada ay ku furi karaan xarumaha lagu dabeeyo baabuurta ku shaqeeya korontada.