DHAGEYSO:Ismaamulka Garissa oo laga daahfuray tallaalka cudurka dabeysha

0
215

Waxaa ismaamulka Garissa laga daahfuray tallaalka cudurka dabeysha.
Barasaab ku xigeenka ismaamulka Garissa, Cabdi Dhaqane ayaa sheegay in ololaha tallaalka oo socon doono ilaa 28-ka bishan ayaa lagu beegsanaya carruurta da’dooda ka yar tahay 5 sano.
Waxaa uu dadweynaha iyo waalidiinta ismaamulka Garissa ugu baaqay inay soo dhaweeyaan shaqaalaha caafimaadka ee bixinaya tallaalka cudurka dabeysha.