Xin Youzhi, oo loo yaqaano Xinba, oo ah shakhsi dhanka internet-ka ku xeel dheer loona yaqaano boqorka Shiinaha ee iibka tooska ah, ayaa dhawaan ku guuleystay inuu iibiyo badheecooyin badan maalin keliya kuwaas oo marka loo eego suuqyada laga dukaameysto ee Hong Kong ay iibiyaan hal sanno.
Asaga oo ku dhashay tuulo yar oo ku taal waqooyi-bari Shiinaha, Xinba wuxuu ku guuleystey inuu noqda qofka ugu caansan boggaga Shiinaha, iyo sidoo kale iibiyaha tooska ee ugu wanaagsan dalkaasi.
Isaga oo ku shaqeynaya barnaamijka Shiinaha ee Kuaishou, ganacsadahan da’a yarta ah wuxuu ku takhasusay kor u qaadista dhammaan noocyada wax soo saarka ee taageerayaashiisa, wuxuuna isku dayayaa inuu helo ama iibiyo alaab aad u badan maalintii.
Arrintan ayuuna ku fiican yahay sidoo kale, sida lagu muujiyey guulihiisii ugu dambeeyay, oo uu iibiyay in ka badan $ 300 milyan oo alaab ah 12 saacadood gudahooda.
Iibinta sida tooska ah loo sii daayo ayaa horeyba ganacsi weyn ugu lahaa Shiinaha, laakiin faafida Covid-19 iyo xayiraadaha ay soo rogtay dowladda ayaa sare u qaaday ganacsiga khadka tooska ah .
Xinba ayaa leh in ka badan 40 milyan oo taageero.
Intii lagu guda jiray barnaamijkiisii ugu horreeyay ee tooska ah kadib 60-maalmood oo laga joojiyay Kuaishou, oo uu iibinayay shaambada madaxa iyo taleefonada gacanta, Xinba waxay ku qaadatay 12 saacadood inuu iibiyey in ka badan 2 bilyan yuan ($ 305.7 milyan) oo badheecooyin ah.
Lacagtan ayaa la sheegay inay ka badan tahay kuwa ay hal sanno iibiyaan suuqyada ama mall-ka Hong-kong.