Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud, fiidnimadii Jimco soo galeysay waxaa ka dhacday arrin si weyn baraha bulshada u qabsatay oo ku saabsan nin la aqal galayay xaaskiisii saddexaad oo tii koowaad ay weerar ku qaadday ninkeeda iyo xaaskiisa cusub xilli loo galbinayay gurigoooda cusub islamarkaana gaarsiiyay dhaawacyo ay u adeegsatay toorey ama mindi.
Wararka ayaa sheegaya in falku uu dhacay markii la gaaray guriga oo gaarigii lagu gelbinayay lamaanaha ay ka degayeen.
Wiilka dhaawac ah ayaa magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Muuse, halka gabadhana lagu magacaabo Iqro Axmad.
Qof ka mid ah ehellada Cabdullaahi Muuse oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa warbaahinta u sheegay in haweeneyda weerarka gaysatay ay ninka u dhashay siddeed carruur ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in arrintan ay sababtay maseyr.
Lammaanahan ayaa markii ay dhaawacmeen loola cararay isbitaalka Shifaa, ee Guriceel halkaa oo xaaladooda caafimaad hadda lagula tacaalayo.
Gabadha falka dhaawac ah gaysatay ayaa min laba toorey ku dhuftay wiilka iyo gabadha, iyadoo ninkeeda uga dhufatay caloosha iyo feeraha halka gabadha lala guursadayna ay uga mudday xabadka sida uu warbaahinta sheegay Dr. Kaahiye Cismaan Cumar oo ah agaasimaha isbitaalka lagu baxnaaninayo qoyskan ku soo dhaawacmay xafladdii aqal galkooda.
Dr. Kaahiye ayaa intaasi ku daray in dhaawac gabadha uu culus yahay maadaama toorreydu ay gudaha hoose u gashay jirka.
“Gabadha laba toorey ayaa ku taalla labaduba xabadka ayay uga yaalliin, midna waa fudud yahay oo waa maqaarka kore, midna gudaha ayay aadday marka midda gudaha ayaa halis ah,” ayuu yiri Dr. Kaahiye.
Inkastoo xaaladda lamaanahaan ay hadda ka deggan tahay sidii hore, haddana gabadha ayaa la sheegayaa in dhiig uu ku hooray gudaha hoose ee jirkeeda taas oo xaaladeeda cusleysay.
“Hadda waan la tacaaleynaa waxay u baahanyihiin in indho indheyn lagu smaeeyo xaaladooda,” ayuu sii raaciyay Dr kaahiye.
Arrintan ayaa magaalada ku noqotay naxdin, waxana laga arkayay sawirro la soo dhigay baraha bulshada dad ku xoonsan halka ay wax ka dhaceen.
Sidoo kale dadka isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay falkan oo qaarkood ku tilmaamen wax laga xumaado.
Home Warbixinno Dheeraad ah Warbixin ku saabsan haweeney Guriceel ku weerartay seygeeda oo aroos ahaa