Xubnaha aqalka wakiillada ee Maraykanka ayaa u codeeyay mooshin ay xilka kaga qaadeen madaxweynaha uu wakhtigiisa sii dhamaanaya ee Donald Trump.
Waxay ku eedeyeen inuu sameeyay kicin dadweyne taasoo sababtay in qaar ka mid ah taagerayaashiisa ay dibadbaxyo rabshadeysan ka sameyaan dhismaha Capitol.
Waxaa mooshinka xilka qaadista Trump codkoodu ku taageeray 232 siyaasiyiin ah halka 197 ay ka soo horjeesteen.