Madaxweynaha dalka oo guddoomiye u soo magacaabay TSC

0
506

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa Jamleck Muturi u soo magacaabay xilka guddoomiyaha guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Sidoo kale hoggaamiyaha wadanka ayaa Alfred Otieno Oyucho u soo xushay inuu ka mid noqdo xubnaha guddigan.
Waxaa magacaabidda golaha baarlamaanka u gudbiyay guddoomiye Justin Muturi .
Guddiga arrimaha waxbarashada ee golaha qaran ee xeer dejinta ayaa la filayaa inuu turxaan bixiyo mas’uuliyiinta loo soo magacaabay guddiga TSC.
Xildhibaanada baarlamaanka ayaa haysto muddo 21 cisho ah oo ay ku soo gabagabeynayaan geediisocodkan.
Magacaabidda Jamleck Muturi ayaa timid ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii Lydia Nzomo oo ahaa 6 sano.