Guddoomiyaha guddiga baarlamaanka ee miisaaniyadda ahna xildhibaanka deegaanka Kiharu, Ndindi Nyoro ayaa sheegay in sanadkan ay arrimaha waxbarashada u qoondeynayaan boqolkiiba 27 ee miisaaniyadda sanadlaha ah ee dowladda dhexe.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu qorshuhu yahay in 15-ka bishan 6-aad baarlamaanka loo gudbiyo miisaaniyad sanadeedka 2023-2024-ka oo qiimo ahaan dhan 3.6 tiriliyoon oo shilin.