Zimbabwe oo ay doorasho guud ka dhici doonto bisha 8-aad

0
223

Waxaa uu qorshuhu yahay in doorashada guud ee dalka Zimbabwe la qabto 23-ka bisha Sideedaad ee sanadkan.
Arrinkan ayaa shaaca looga qaaday wargeyska rasmiga ee dowladda wadankaasi ka dib bilooyin la sugayay in la cadeeyo taariikhda rasmiga ee ay codeynta dhici doonto.
Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Mnangagwa ayaa sidoo kale sheegay in isla maalinkaasi la qaban doono doorashada baarlamaanka iyo midda deegaannada hoose.
Xisbiga Mnangagwa ee ZANU-PF ayaa dalkaasi hoggaaminayay tan iyo sanadkii 1980 xilligaasi oo ay Zimbabwe madax bannaani ka qaadatay Ingiriiska.
Waxaa hoggaanka kula tartami doono isbeheysiga muwaadiniinta isbeddel doonka ah ee (CCC) oo uu hoggaamiyo Nelson Chamisa.
Markii labaad ayay xilka madaxtinnimo ku loollami doonaan Chamisa iyo Mnangagwa.
Talaadadii ayay ahayd markii uu madaxa isbeheysiga CCC uu madaxweynaha dalka Zimbabwe ugu baaqay inuu shaaciyo taariikhda doorashada guud.
Sidoo kale waxaa uu Chamisa walaac ka muujiyay diiwaanka codeynta isagoo sheegay in la tirtiray macluumaadka codbixiyeyaal ay ka mid yihiin siyaasiyiin sare.
Zimbabwe ayaa waxaa ku nool 15 milyan oo qof.