Iyadoo dhawaan dib loo furay dugsiyada dalka ayaa waxaa isa soo taraya baaqyada loo jeedinaya ardayda gabdhaha ah.
Xoghayaha wasaaradda tacliinta ee Kenya Dr. Belio Kipsang ayaa gabdhaha kula taliyay inay diiradda saaraan sidii ay horumar uga gaari lahayeen waxbarashada.
Waxaa uu u soo jeediyay inay ka soo horjeestaan qorsho kasta oo saameynaya tacliintooda sida guurka degdegga ah iyo uurka ay xilli hore qaadaan.
Xoghayaha ayaa baaqan diray xilli uu tagay dugsiga sare ee gabdhaha ee Suswa oo ku yaalla ismaamulka Narok .