Wasiirka wasaaradda caafimaadka ee dalka Susan Wafula Nakhumicha, sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda Dr. Patrick Amoth iyo Dr. James Nyikal oo ka tirsan guddiga arrimaha caafimaadka ee baarlamaanka ayaa kulan la qaatay madaxa fulinta ee hay’adda ka shaqeysa iskaashiga dhanka tallaalka ee GAVI Alliance, Seth Berkeley.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta adeegyada caafimaad ee bulshada loo fidiyo iyo xaqiijinta isku filnaanshaha dalka ee dhanka daawooyinka.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in Kenya ay shanta sano ee nagu soo aaddan ay mudnaan siin doonto barnaamijka caafimaadka guud ee UHC si gaar ah tallaalka.
Waxaa sanad kasta gudaha wadanka si lacag la’aan ah loogu tallaalaa in ka badan 1.5 milyan oo dhallaan ah , haweenka uurka leh iyo 700,000 oo ah gabdhaha qaangaaraya.
Intii uu kulanka socday, madaxa hay’adda GAVI alliance ayaa sheegay inay ka go’an tahay inay Kenya siiyaan taageero dhaqaale iyadoo loo maraya wasaaradda maaliyadda.
Iskaashigan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay in hay’adaha caalamiga ah laga qayb geliyo sare u qaadidda barnaamijyada caafimaadka.
In a proactive move towards transforming healthcare delivery & fostering self-reliance, Kenya's MOH team, led by Ag. DG Dr. Amoth, alongside Hon. Dr. James Nyikal from the Parliamentary committee on health, joined by CS Nakhumicha S. Wafula, met GAVI alliance CEO, Seth Berkeley. pic.twitter.com/XkNRwI9t6F
— Ministry of Health (@MOH_Kenya) May 24, 2023
As the chair of the East, Central, and Southern Africa Health Community (ECSA-HC) and a member of the East African Community (EAC), Kenya has aligned with other member states to achieve a stockpile of essential HPTs. pic.twitter.com/qQy0SpbybC
— Ministry of Health (@MOH_Kenya) May 24, 2023