Roobab la saadaalinaya inay da’aan ilaa bisha dambe

0
183

Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa sheegtay in la rajeynaya in roobabka ka da’ay qaybo ka mid ah wadanka ay sii jiraan ilaa bisha Lixaad.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday agaasimaha guud ee waaxda saadaasha hawada ee dalka Dr. David Gikungu.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay u badan tahay in roobabka ay ka sii da’aan buuraleyda gobolka Rift Valley, aagga harada Victoria iyo qaybo xiga xadka Uganda.
Saadaasha waxaa qayb ka ah in roobab lixaad leh ay bishan gudaheeda ka da’i karaan deegaannada bariga dalka , ismaamulka Taita Taveta ee Xeebta iyo qaybo ka mid ah Waqooyi Bari.