Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa shaqada ka joojiyey Dr. Josephine Mburu oo ahayd xoghayaha joogtada ee waaxda fayadhowrka ee wasaaradda caafimaadka.
Tani ayaa timid ka dib markii ay soo baxday fadeexad la xiriirta qandaraas dhanka soo iibinta qalabka oo ay maareysay wasaaradda.
Fadeexadda oo saameysay maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaad ee KEMSA ayaa lagu lunsaday 3.7 bilyan.
Sidoo kale madaxa waaxda adeegga dadweynaha Felix Koskei ayaa bayaan ku sheegay in madaxweyne Ruto uu meesha ka saaray magacaabidda guddoomiyaha iyo xubnaha guddiga maamulo KEMSA.
Madaxweynaha ayaa guddoomiyaha guddiga KEMSA u magacaabay Mr. Irungu Nyakera.
Ka dib markii guddiga la kala diray , wasiirrada caafimaadka ee dlaka ayaa xubnaha guddiga maamulo KEMSA u magacawday Hezbon Oyieko Omollo, Bernard Kipkirui Bett, Dr. Jane Masiga iyo Jane Nyagaturi Mbatia.
Sidoo kale waxaa si ku meel gaar ah shaqada looga joojiyay madaxii fulinta ee maamulka KEMSA Terry Ramadhani maadaama la baaraya fadeexadda la xiriirta qandaraaska maro-kaneecada.
Dr. Andrew Mutava Mulwa ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabay sii hayaha xilka madaxa fulinta ee KEMSA.