Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa xilka madaxa bangiga dhexe ee dalka ee CBK u magacaabay xoghayihii hore ee wasaaradda maaliyadda Kamau Thugge.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo uu howlgab noqonaya Dr. Patrick Njoroge oo CBK hoggaaminayay tan iyo bishii 6-aad ee sanadkii 2015-kii.
Bayaan uu soo saaray madaxa waaxda adeegga dadweynaha
Felix Koskei ayaa lagu sheegay in magacaabidda Dr. Thugge ay timid ka dib geeddisocod adag oo dhanka shaqaaleysiinta ah oo uu sameeyay guddiga adeegga dadweynaha ee PSC.
Kamau Thugge ayaa hadda ah la taliye sare iyo madaxa xeerarka maaliyadeed iyo miisaaniyadda ee xafiiska madaxweynaha dalka.
Sidoo kale waxaa uu xubin ka yahay golaha ka tala bixinta arrimaha dhaqaalaha ee madaxweynaha.