Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa siyaasiyiinta isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya ee uu hoggaamiyo Raila Odinga ugu baaqay in xal u raadinta caqabadaha ka taagan wadanka aynan u marin qaab rabshadeysan.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in aan loo baahnayn dibadbaxyo lagu burburinaya hantida shacabka.
Ruto ayaa xilli uu shalay ka qayb galay aaska xaaskii halyeeygii ka mid ahaa dadkii u soo halgamay madax bannaanida dalka Dedan Kimathi sheegay inuu diyaar u yahay oo uunan dhibaato ku qabin in maamulkiisa lala xisaabtamo.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu ka shaqeeyay in xubnaha golihiisa wasiirrada ay hor tagaan baarlamaanka si su’aallo looga waydiiyo waxqabadkooda.
Sidoo kale waxaa uu soo hadal qaaday soo jeedin uu u gudbiyay baarlamaanka oo ah in la soo dhiso xafiiska madaxa mucaaradka oo ay dowladda maalgeliso si maamulka talada haya loola xisaabtamo.
Ruto ayaa intaasi ku daray in isaga iyo Raila Odinga aynan arrin shakhsiyeed ka dhexeyn oo ay ku heshiin karaan wax u qabashada kenyaanka.