Maamulka IPOA oo baaraya 8 booliis ah ka dib toogasho ka dhacday Kisumu

0
250

Maamulka madaxa bannaan ee kormeera howlaha booliiska dalka ee IPOA ayaa baaritaano ku haya Siddeed ka mid ah ciidamada ammaanka.
Tani ayaa timid ka dib markii saraakiishan lala xiriiriyay toogasho shalay ka dhacday ismaamulka Kisumu.
Waxaa hadda askartan su’aallo waydiinaya dambi baarayaasha IPOA.
Taliyaha booliiska ee dowlad deegaanka Kisumu, Alphonse Wambua ayaa sheegay in ciidamada la xiray shalay oo uu maamulka IPOA howshan la wareegay saaka.
Saraakiisha ayaa saaka tagay xafiisyada maamulka IPOA ee Kisumu si au halkaasi farriin uga qoraan ka hor inta aan la qaadin tallaabada xigta.
Dhanka kale labo qof oo ku dhaawacmay toogashadii shalay ee Kisumu oo isbitaalka la geeyay ayaa lagu sameeyay qalliin waxaana jirkooda laga soo saaray xabaddii gashay.
Qof saddexaad oo isna lagu daaweynaya isbitaalka guud ee Jaramogi Oginga Odinga ayay xaaladiisa caafimaad soo hagaagaysa ka dib markii laga soo saaray rasaas gudaha uga jirtay.
Sidoo kale qoyska gabadh dhiganaysay dugsiga sare ee Simeru oo geeriyootay ayaa sugaya in meydkeeda lagu sameeyo baaritaan qalliin ah si faahfaahin loo siiyo.
Toogashada oo ay shacabka Kisumu si wayn uga falceliyeen ayaa timid xilli ciidamada waaxda taraafikada ay ku daba jireen mid ka mid ah wadayaasha gaadiidka dadweynaha ee Mataatuuda oo amarkooda dafiray ka dib markii ay ka dalbadeen inuu baabuurka istaajiyo.