DHAGEYSO:Dowladda Soomaaliya oo daahfurtay qorshaha xalka waara

0
432

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Daahfurtay Istiraatiijiyadda Qaran ee Xalka Waara taas oo waxa looga qabanayo arrimaha barakacayaasha iyo Qaxootiga dalkooda Hooyo dib ugu soo noqonayo muddada Afarta Sano ee Soo socota.
Munaasabadaan Daahfurka ayaa lagu soo bandhigay qorshaha Xalka Waare waxayna Ahmiyadda weyn siinaysaa Xal u helidda Barakaca daba dheeraaday.
Kulankaan waxaa Hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Soomalaiya Jamaal Maxamad Xasan waxaana sidoo kale ka qaybgalay Wasiiro kale oo dowladda ka tirsan ,Kooxda Farsamada Wasaaradaha dowladda,Maamul goboleedyada,Maamulka Gobolka Banaadir,Bulshada Rayidka iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.
Wasiir Jamaal Maxamad Xassan ayaa faahfahain ka bixiyay Qorshaha Xal waare ee loo dajiyay in afarta Sano ee Soo socota lagu maareeyo barakacayaasha