Waxaa Maanta baaqday kulankii Golaha Shacabka Soomaaliya ee la filayay in uu ka qabsoomo Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ka dib markii furitanka kulanka ay ku kala qayb samay Xildhibaannada.
Ajandaha Kulanka Maanta ayaa ahaa sida xalay farriinta loogu diray Xildhibaananda Golaha Shacabka in laga hadlo cudurka Cornavirus, hayeeshee ay sheegeen in ajandaha uu ku hoos qarsan yahay a Ajanda kale oo ah in muddo kordhin loo sameeyo Hay’adaha dastuurkiga ah ee dalkaasi.
Sababaha ugu weyn ee Kulan k Maanta uu u baaqday ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaannada mucaaradka qaarkood ay diideen inay saxiixaan Buuga lagu xaadiriyo Xildhibaannada.
Qaar kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa waxaa ay sheegeen in tiro yar oo kamid ah golaha Shacabka ay arbushaad ku sameeyeen qabsoomida kulanka, waxaana jiray buuq ay sameeyeen Xildhibaannada qaarkood