DHAGEYSO:Shacabka Mombasa oo ku baaqay in Raila iyo Ruto ay wada hadlaan

0
308

Dadweynaha ku nool ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ayaa ka falceliyay hadalkii shalay ee hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio Raila Odinga ee ahaa inay dibadbaxyada sameyn doonaan maalmaha Isniinta iyo Khamiista.
Waxay shacabku sheegeen in Raila iyo madaxweynaha dalka William Ruto looga baahan yahay inay wada hadlaan iyagoo qaranka u daneynaya.
Dadweynaha ayaa walaac ka muujiyay burburka hantiyadeed ee laga soo tabiyay ismaamullada Nairobi iyo Kisumu xilli Isniintii ay madaxda mucaaradka iyo taageerayaashooda ay dibadbaxyo dhigayeen.
Sidoo kale shacabka Mombasa ayaa xusay in maadaama bisha barakeysan ee Ramadaan ay berri billaabanaysa in aan loo baahnayn qalalaase siyaasadeed.