Maxkamadda sare ee dalka ayaa kordhisay shuruudaha lagu xiray iyo muddada uu qaab damaanad ah bannaanka ku joogaya sarkaalka booliiska ee lagu magacaabo Axmad Rashiid.
Waxaa go’aankan soo saartay garsoore Diana Mochache oo sanadkii hore loo wareejiyay maxkamadda sare.
Waxay sheegtay inay u baahan tahay muddo dheeraad oo ay ku eegaysa si ay si buuxda ugu fahanto kiiska loo haysto sarkaalkan amni.
Garsooraha ayaa amartay in dacwaddan mar kale ay maxkamaddu soo hadal qaado Arbacada soo socoto.
Sarkaalka ayaa loo haystaa inuu 31-dii bishii Saddexaad ee sanadkii 2017-kii uu si fagaara ah xaafadda Islii ugu dhex toogtay labo dhallinyaro oo ku eedeysnaa burcadnimo.