Madaxweynaha dalka oo magacaabay qareenka dowladda

0
343

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa Shadrack John Mose u magacaabay inuu noqdo qareenka dowladda dhexe.
Tani ayaa timid ka dib markii guddiga baarlamaanka u qaabilsan arrimaha cadaaladda iyo sharciga uu bishii hore turxaan bixiyay aqoonyahaankan ugu dambeyna magacaabidiisa la meel mariyay.
13-kii bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweyne Ruto uu xildhibaankii hore ee deegaanka Kitutu Masaba u soo xushay xilka qareenka dowladda isagoo magaciisa u gudbiyay baarlamaanka.
Waxaa uu beddelay Kennedy Ogeto oo uu bishii Saddexaad ee sanadkii hore uu jagadan u magacaabay madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta.