DHAGEYSO:Xadgudub loo gaystay qaar ka mid ah shacabka Fafi oo la baaraya

0
346

Iskuduwaha dowladda dhexe ku matalo gobolka Waqooyi Bari ,John Otieno ayaa sheegay inay guda galeen baaritaano lagu xaqiijinaya cabasho ka timid qaar ka mid ah dadweynaha.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii qaar ka mid ah shacabka deegaanka Fafi ee ismaamulka Garissa ay ciidamada ammaanka ku eedeyeen inay jirdil u gaysteen iyagoo ku andacoonaya in shakhsiyaadkaasi ay taageero u muujiyeen argagixisada.
Mid ka mid ah shacabka ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay tacaddiga la soo tabiyay.

Waxaa dhanka kale arrintan cambaareeyay barasaabka ismaamulka Garissa Nathiif Jaamac Aadan oo sheegay in aan marnaba la aqbali karin in saraakiisha ammaanka ay dhibaateeyaan rayidka iyagoo isku dayaya inay xog helaan.

John Otieno, iskuduwaha ammaanka ee Waqooyi Bari ayaa laga soo xigtay in baaritaannada arrinkan ku aaddan ay socdaan iyadoo askarigii lagu cadeeyo inuu dadweynaha ku xadgudbay laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.