Ugu yaraan 5 qof oo isugu jira shacab iyo ciidan ayaa ku geeriyooday shaqaaqo israsaaseyn ah oo xalay isgoyska Siinaay ku dhexmartay ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid ayaa ku dhaawacmay shaqaaqadan ka dib markii ay isku dhaceen ciidamadiisa iyo kuwo ku sugnaa isgoyska Siinaay.
Ciidamada ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan sida qoriga baasuukaha, iyagoo ku sugnaa shacabka dhexdiisa.
Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in xabsiga la dhigay ciidamada ku lugta lahaa falkan, isagoo tilmaamay in caddaalada la horkeenayo.
Waxaa uu sheegay in falalka noocaan oo kale ah ay ku soo bateen magaalada Muqdisho islamarkaana si macno darro ah maalin walba ay ugu dhintaan dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay shaqaaqo ay dad ku dhinteen oo...