Madaxweynaha dalka oo ku baaqay in beero laga sameeyo dhulalka bannaan ee Wajeer iyo Mandera

0
332

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in aan la joogin xilligi wadanka uu cunto ka soo dejisan lahaa dibadda balse ay tahay in Kenya ay isku filnaato oo ay dalag u iibgayso caalamka kale.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay inay lagama maarmaan tahay qaadashada go’aamo muhiim ah oo tani looga dhabeynaya.
Madaxweynaha ayaa ku taliyay in wax soo saarka beeraha loo beddelo howl ganacsi oo lagu kobcinaya dhaqaalaha.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu xarunta madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi uu kulan wadatashi ah kula qaatay barasaabyada ismaamullada , saraakiisha wasaaradda maalgashiga , ganacsiga iyo warshadaha.
Waxaa sidoo kale shirka ka qayb galay hay’adaha horumarka ee saaxiibbada la ah Kenya.
Kulanka ayaa diiradda lagu saarayay wanaajinta howlaha ganacsiga , xoojinta iyo isku xirka suuqyada iyo in dowlad deegaannada laga aasaaso warshado.
William Ruto ayaa tilmaamay in badeecooyinka laga soo saaro gudaha wadanka ay yihiin kuwo qiimo leh oo caalamka looga baahan yahay.
Waxaa uu ku celceliyay in Kenya ay awooddo inay soo saarto cunto ku filan oo ay shacabkeeda quutaan si inta dheeraadka ah loogu dhoofiyo dibadda.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga faa’iidaysto dhulalka ballaaran ee bannaan ee ku yaalla ismaamullada Turkana, Mandera, Wajeer iyo deegaannada kale ee xoolo dhaqatada si dalag kala duwan loogu beero.
Ruto ayaa xusay in haddii la adeegsado hannaanka lagu waraabiyo beeraha in deegaannadan laga soo saari karo cuntooyin badan.