25 ka mid ah dagaalyahanada Al-Shabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
529

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgalo qorsheysan ka sameeyay inta u dhexeysa deegaanada Ceel Bacad iyo Ruunirgood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.
Waxaa ay ciidamada howlgalladooda ku bartilmaameedsadeen farriisimo kooxda Al-Shabaab ay ku lahayeen inta u dhexeysa labadaasi deegaan oo la tilmaamay inay ahayeen Saldhigyo waaweyn.
Gaashaanle Aadan Jeele Cali oo ka mid ah saraakiisha hoggaamineysay howlgalladan qorsheysan ayaa warbaahinta qaranka u sheegay inay ku dileen howlgalka 25 ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab, islamarkaana tiro intaasi ka badan ay ku dhaawaceen.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgalkooda ay ku burburiyeen Saldhigyo waaweyn oo ay kooxdu ka sameeysatay halkaasi oo ay ku dhibaateyn jirtay dadka shacabka ah.
Deegaanada Ruunirgood iyo Ceel Bacad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah deegaanadii ay horay uga talin jireen muddada dheer kooxda Al-Shabaab, iyadoona dhawaan ay si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta deegaanadaasi ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka.