Guddiga adeegga baarlamaanka oo soo dhisaya guddiga buuxinaya jagooyinka IEBC

0
215

Guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC ayaa billaabay inuu soo dhiso guddi ka shaqeyn doono in la buuxiyo jagooyinka ka bannaan guddiga doorashooyinka ee IEBC.
Xubnahan ayaa shaqaaleysiin doono guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha dalka ee IEBC iyo shan sarkaal oo sare.
Xoghayaha guddiga adeegga baarlamaanka ee PSC ,Jeremiah Nyegenye ayaa sheegay inay doonayaan in la soo xulo labo qof oo baarlamaanka ku matali doono geeddisocodkan.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa maalmo un ka dib markii madaxweynaha dalka William Ruto uu si rasmi ah u shaaciyay inay bannaan yihiin xilalka sare ee guddiga doorashooyinka .
Tani ayaa timid ka dib markii uu dhamaaday muddo xileedkii Wafula Chebukati iyo mas’uuliyiintii la shaqeynayay