Maraykanka oo ka digay weerarro argagixiso oo ka dhici kara Nairobi

0
252

Dowladda Mareykanka ayaa muwaadiniinteeda ku sugan Kenya uga digtay suurtagalnimada weerarro argagixiso oo ka dhaca caasimadda dalka ee Nairobi.
Safaaradda Maraykanka ee Kenya ayaa sheegtay in weerarro ay ka dhici karaan goobaha ay dadweynaha isugu yimaadaan ee magaala madaxda wadanka ee Nairobi.
Waxaa uu Maraykanka sheegay in weerarradan ay imaan karaan iyadoo digniin la’aan ah.
Maraykanka ayaa calaamadeeyay in weerarro argagixiso ay ka dhici karaan goobaha ay ku badan yihiin dadka ajaanibta ah iyo dalxiisayaasha kuwaas oo bartilmaameed u ah sida uu Maraykanka sheegay argagixisada.
Safaaradda Maraykanka ee dalka ayaa sheegtay in Kenya ay billowday tallaabooyiin looga hortaggi karo weerarrada ay damacsan yihiin kooxaha argagixisada.
Muwaadiniinta Maraykanka ee ku sugan gudaha Kenya ayaa loogu baaqay inay feejignaadaan.
Hasa ahaate dowladda Kenya ayaa heegan sare gelisay kooxo isku dhaf ah oo kala duwan kuwaas oo qaabilsan ammaanka magaalada caasimadda ah ee Nairobi, ka dib markii dhawaan ay dhaceen falal burcadnimo ah oo laga gaystay dalka qaybihiisa kala duwan.