Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha oo codsi geeyay maxkamadda

0
387

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr.Fred Matiang’i ayaa maxkamadda sare codsi u gudbiyay.
Waxaa uu doonaya in maxkamadda ay soo saarto ama saraakiisha ammaanka ka hor istaagaya inay xabsiga u taxaabaan.
Dr. Matiang’i oo uu matalaya qareen lagu magacaabo Danstan Omari ayaa ku doodaya in ciidamada ammaanka ay xalay tageen hooygiisa oo ku yaalla xaafadda Karen ee ismaamulka Nairobi si ay gacanta ugu dhigaan.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha ay goobta ka tageen ka dib markii ay halkaasi gaareen qareenadiisa iyo warbaahinta oo dhacdadaasi tabinaysay.
Danstan Omari oo maxkamadda u gudbiyay dokumeenti ka kooban 14 bog ayaa sheegay in Dr. Matiang’i uu helay xog uu ku kalsoon yahay oo tilmaamaysa in la xiri doono si maxkamadda loo soo taago.
Qareenka ayaa xusay in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha aanan looga yeerin saldhig booliis ama xarun dambi baaris sidoo kalena aan loo jarin waaran lagu xiraya sida ku qeexan dastuurka dalka.
Codsiga uu maxkamadda geeyay ayuu ku sheegay mid u baahan tixgelin degdeg ah maadaama sida uu hadalka u dhigay haddii aynan maxkamadda amar soo saarin ay noloshiisa iyo tan qoyskiisaba halis ku jirto.
Danstan Omari ayaa doonaya in waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da , adeegga qaran ee booliiska , waaxda dacwad oogidda , guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC,guddiga adeegga booliiska , maamulka madaxa bannaan ee kormeerka ku sameeya howlaha booliiska ee IPOA, guddiga qaran ee xuquuqul aadanaha iyo ururka qareennada dalka ee LSK inay qayb ka noqdaan dacwaddan .
Qareenka oo ka dib codsiga ay maxkamadda geeyeen la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu kenyaanka iyo si guud bulshada kale ee caalamka ku nool u xaqiijinaya in wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Dr.Fred Matiang’i uu bad qabo.