Waxaa sare u sii kacay khasaaraha nafeed ee ka dhashay dhul gariirkii maalinkii Isniinta ee toddobaadkan saameeyay waddamada dariska ah ee Turkiga iyo Syria.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay inay dhacdooyinkaasi ku dhinteen in ka badan 16,000 oo qof.
Ugu yaraan 12,873 oo dadkan ka mid ah ayaa ku nafwaayay gudaha dalka Turkiga sida ay saraakiisha sheegeen, halka ku dhawaad 3,162 ay ku dhinteen wadanka Syria.
Dhanka kale kolonyadii ugu horreyey ee gargaar bini’aadanimo islamarkaana ka socda Qaramada Midoobay ayaa gaaray waqooyiga galbeed ee dalka Syria oo ay gacanta ku hayaan kooxaha fallaagada.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in gargaarkan uu ka yimid wadanka Turkiga.
Rajadii laga qabay in dad badan la badbaadiyo ayaa si degdeg ah u sii yaraanaya, kuwaas oo ku hoos jiro burburka .
Sidoo kale dadka ku nool koonfurta bari ee dalka Turkiga iyo waqooyi galbeed ee wadanka Syria ayaa dhaleeceeyay waxa ay ugu yeereen in dadaallada goobidda iyo samatabixinta ay gaabad yihiin.
Hasa ahaate, iyadoo qabow daran uu jiro, shaqaalaha samatabixina ayaa weli dadka ka soo saaraya burburka hoostiisa iyagoo nool, iyadoo howlgallada dad dheeraad ah lagu raadinaya ay socdaan maalintii afaraad, ka dib dhul gariirkii maalinkii Isniinta ku dhuftay dalalka dariska ah ee Turkiga iyo Syria.