Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu madaxda diimeed uga mahadcelinaya kaalinta ay ka qaataan arrimaha bulshada.
Waxaa uu culimada iyo baadariyaasha ka codsaday inay dowladda garab ku siiyaan la dagaalanka isticmaalka daroogada iyo dhaqamada kale ee saameynta ku leh dhallinyarada.
Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in hoggaamiyaasha diimeed ay kaalin wayn ku leeyihiin wanaajinta habdhaqanka bulshada gaar ahaan da’yarta.
Baaqan ayuu diray xilli uu qaar ka mid ah mas’uuliyiintan kula kulmay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
WE ACKNOWLEDGE RELIGIOUS INSTITUTIONS AS PARTNERS IN THE SOCIAL SECTOR
President @WilliamsRuto has commended the role religious organisations play in the provision of social services. pic.twitter.com/1uqhNOWvGt
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 7, 2023
"On matters social, on matters moral, you have more leverage than the government. Alcohol and drugs have permeated our society and it is hurting our youth and leaders," the Head of State said. pic.twitter.com/vCGNpRks68
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 7, 2023