Hoggaamiyaha dalka William Samoei Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi waxaa uu kulan wada tashi ah kula yeeshay siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Nyanza.
Tani ayaa timid ka dib socdaal uu dhawaan madaxweynaha ku tagay gobolkaasi.
Hoggaamiyaashan ayaa madaxweynaha u xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay la shaqeynta maamulkiisa si loo xalliyo caqabadaha heer qaran iyo heer ismaamul labaduba.
Waxay hoosta ka xarriiqeen inay diiradda saarayaan u adeegidda shacabka iyagoo madaxda kale ugu baaqay inay ka gudbaan siyaasadeynta arrimaha horumarka.
Madaxweyne William Ruto ayaa dhankiisa cadeeyay in dowladda talada haysa ay si siman ugu adeegi doonto dhammaan kenyaanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in laga soo gudbay xilligii siyaasadda oo uunan rabin in dalka ay xiisad ka jirto .
Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray inuu la shaqeynaya siyaasiyiinta ka tirsan xisbiyada kala duwan isagoo u daneynaya midnimada iyo horumarka dhaqaale ee wadanka.
Xubnaha uu maanta kula kulmay xarunta madaxtooyada , ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay safarkii uu dhawaan ku tagay gobolka Nyanza iyagoo xusay in dadweynaha ay u baahan yihiin in loo adeego.
William Ruto waxaa uu tilmaamay in madaxda laga doonaya inay midoobaan , inay xoojiyaan wadajirka oo ay ka shaqeeyaan la tacaalidda caqabadaha dalka uu wajahaya.
Waxaa uu siyaasiyiinta la soo doortay kula taliyay inay shacabka u noqdaan tusaale wanaagsan oo lagu dayan karo iyagoo xoogga saaraya danta guud.
Ruto ayaa xusay in tani ay tahay sida keliya ee lagu hubin karo midnimo iyo horumar ballaaran.
Xubnaha uu maanta madaxweynaha dalka la shiray ayaa kala ah xildhibaanka deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya Gideon Ochanda,Elisha Odhiambo (Gem), Mark Nyamita (Uriri), Caroli Omondi (Koonfurta Suba), Shakeel Shabir (Bariga Kisumu) Felix Odiwuor oo loo yaqaano Jalang’o ( xildhibaanka deegaanka Lang’ata ee ismaamulka Nairobi), Paul Abuor (Rongo), John Owino (Awendo) iyo senatarka ismaamulka Kisumu Prof. Tom Ojienda.
Dhanka kale xisbiga ODM oo ay ka tirsan yihiin siyaasiyiintan badankooda ayaa bayaan ku sheegay in taageerayaashiisa uu ku wargelinaya inuunan marnaba ka daali doonin dadaalka uu ugu jiro xaqiijinta hoggaan wanaagsan.
ODM oo intaasi ku dartay in aan marnaba laga hor istaagi karin qorsheeda ayaa hoosta ka xarriiqday inay Jimcada isku soo bax ku qaban doonto deegaanka Mavoko ee ismaamulka Machakos.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii uu madaxweynaha sidan oo kale ula kulmay xildhibaannada ka tirsan xisbiga Jubilee.
The leaders explored a mechanism of working together to address national and county issues.
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 7, 2023
The President said the government would serve all Kenyans equally.
"Elections are over, we don't want a polarized country. We will work for all Kenyans." pic.twitter.com/AttN0ga3nQ
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 7, 2023
They were Gideon Ochanda (Bondo), Elisha Odhiambo (Gem), Mark Nyamita (Uriri), Caroli Omondi (Suba South), Shakeel Shabir (Kisumu East, Independent) Felix Odiwuor alias Jalang’o (Lang’ata), Paul Abuor (Rongo), John Owino (Awendo) and Kisumu Senator @ProfOjiendaTom . pic.twitter.com/GzPhcGlCd7
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 7, 2023
The MPs allied to the ODM party pledged their support to President Ruto.
The MPs said they were focused on service delivery and asked other leaders to shun politics. pic.twitter.com/F68PYbku7r
— State House Kenya (@StateHouseKenya) February 7, 2023