Carruur mataano oo afar bilood jir ahaa islamarkaana isku dhegan ayaa waxaa lagu kala saaray qaliin 15 saacadood qaatay oo loogu sameeyay isbitaalka qaran ee Kenyatta ee magaalada Nairobi.
Saraakiisha caafimaadka ee isbitaalka ayaa ku dhawaaqay inay qaliinkan u sameeyeen hab guul ah oo lagu kala saaray walaalo mataano ah.
Qaliinka carruurtan ayaa waxaa iska kaashaday 38 dhakhaatiir maalinkii Axadda ee 5-tii bishan, sida ay dhakhaatiirta xaqiijiyeen.
Bayaan ka soo baxay isbitaalka qaran ee Kenyatta ayaa lagu sheegay in qaliinka carruurta lagu kala saaray aysan jirin wax dhibaato ah oo weyn ee ay dhakhaatiirta la kulmeen intii ay howshan wadeen.
Howl-wadeennada isbitaalka qaran ee Kenyatta ayaa sheegay in mataanaha la kala saaray ay hadda ku sugan yihiin xaalad badqab ah, ayna ku jiraan qaybta daryeelka degdegga ah ee xaruntaasi caafimaad.
We are happy to finally see the conjoined twins separated after a long complex surgery. We want to thank the team that spearheaded the surgery#KNHinaweza #KNHinakujali pic.twitter.com/ZLf5XGqvw9
— Kenyatta National Hospital (@KNH_hospital) February 6, 2023
Our highly specialised team overcame the complications of the surgery including the holes in the twin's hearts, a shared liver and two hearts in one cavity.
We are happy to see a successful surgery and two promising futures.#KNHinaweza #KNHinakujali #BreakingNews pic.twitter.com/kRhX1tDpF9
— Kenyatta National Hospital (@KNH_hospital) February 6, 2023
Today we celebrate with the 38 specialists who came together to see through a successful complex separation of conjoined twins after 15 long hours.
This is a historic moment for us to witness great minds working together to save the lives of the twins#KNHinaweza #KNHinakujali pic.twitter.com/vCKFcx6E4S
— Kenyatta National Hospital (@KNH_hospital) February 6, 2023