Militariga Israa’iil ayaa lagu soo warramayaa inay duqeyn dhanka cirka ah ay ka gaysteen marinka Qaza ee dalka Falastiin.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo laga cabsi qabo inay sii kororto xiisadda halkaasi ka taagan.
Ciidamada difaaca ee Israa’iil ayaa laga soo xigtay in weerarrada lala eegtay xarumo lagu soo saaro gantaallada iyo hubka kale oo ay maamusho kooxda Xamaas.
Toddobaadkii hore ayay ahayd markii ay Israa’iil duqeysay magaalada Jenin ee daanta galbeed.