Ku dhawaad 22 milyan oo qof ayaa halis ugu jira gaajo daran taasi oo laga soo taabiyay koonfurta Itoobiya ilaa waqooyiga Kenya iyo Soomaaliya.
Xaaladdan ayaa loo sababeeyay in abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay ay ku dhufatay geeska Afrika.
Meelaha dhibaatooyinkan ay ka jiran ayaa ah meelaha ay degan yihiin dad xoolo dhaqaata ah kuwaasi oo nolol maalmeedkooda inta badan ka hela dhaqashada iyo tabcashada beeraha.
Waxaa gobolka ka taagan abaar ka dhalatay in aan la helin wax roob ah xilli roobaadkii shanaad oo xiriir ah tan iyo dhammaadka sanadkiii 2020-kii.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 12 milyan oo qof oo ku nool Itoobiya, 5.6 milyan oo Soomaaliya ku nool iyo 4.3 milyan oo qof oo Kenya ah ay haysato cuno yari aad u daran.
Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda cunnada adduunka ee Qaramada Midoobay ee WFP, 23-kii bishan, tirada guud ee dadka cunno yarida wajahaya ayaa laba jibbaarantay oo gaartay 13 milyan billowgii sanadkii hore ee 2022-kii.
Guud ahaan gobolka geeska Afrika, 1.7 milyan oo qof ayaa guryahooda uga barakacay biyo iyo baad la’aan sida lagu sheegay warbixinta.