Waxaa lagu soo warramayaa in 25 macallin oo wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla deegaannada u dhow keynta Boni ee ismaamulka Lamu, saaka diyaarad militari ah lagu geeyay xarumihii ay wax ka barayeen.
Deegaannada hoostaga ismaamulka Lamu ayaa marar badan weerarro ka gaysteen kooxaha argagixisada.
Agaasimaha waxbarashada ee dowlad deegaanka Lamu Joshua Kaaga ayaa macallimiinta ka sagootiyay garoonka diyaaradaha ee Mokowe, xilli ay isku diyaarinayeen safarka iskuulladooda.
Iskuullada ku yaalla meelaha ay amni darrada ka jirto ayaa weli xiran, iyadoo dugsiyada kale ee dalka oo dhan dib loo furay toddobaadkii hore.
Shan dugsi oo ku yaalla aagga keynta Boni ayaa lagu wadaa in maanta dib loo furo.