Dowladda oo hakisay dhisidda kaabayaasha cayaaraha

0
263

Wasiirka wasaaradda cayaaraha iyo arrimaha dhallinyarada ee dalka Ababu Namwamba ayaa sheegay in la hakiyay dhismaha kaabayaasha cayaaraha ee wadanka.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in go’aankan looga gol-leeyahay in lala yimaado qorsho cad oo ku aaddan dhisidda iyo wanaajinta garoomada cayaaraha ee dalka si ay u noqdaan kuwo heer caalami ah.
Ababu ayaa carrabka ku adkeeyay in si degdeg ah loo joojiyay in qaybaha dalka laga dhiso garoon cayaaradeed.
Arrintan ayuu ka hadlay xilli uu deegaan baarlamaneedka Budalangi ee ismaamulka Busia uu ku daahfuray toddobaadka hal-abuurka ee dalka si dhallinyarada ay u helaan xirfado saameyn leh.
Waxaa uu dhanka kale wasiirka ugu baaqay da’yarta in iyagoo adeegsanaya taleefoonadooda casriga iyo kombiyuutarrada ay hal abuur ganacsi la yimaadaan.
Namwamba ayaa xusay in waaxda qaran ee hal-abuurka ay la shaqeyn doonto ilaa 184 xarumood oo awoodsiin loogu sameeyo dhallinyarada .