Iiraan oo ka hor tagtay weerarro lagu soo qaaday xarun militari

0
298

Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Iiraan ayaa sheegtay inay iska caabisay weerarro dhowr ah oo loo adeegsanayay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn oo lagu soo qaaday xarun militari oo ku taalla magaalada Isfahaan ee bartamaha wadankaasi.
Waxay wasaaradda bayaan ku xustay in falalkaasi aan lagu guulaysan oo aynan jirin cid ay waxyeello ka soo gaartay.
Hasa ahaate wasaaradda difaaca ee Iiraan ayaan sheegin cidda ay ku tuhmayso abaabulka weerarrada.
Bayaanka wasaaradda ayaa yimid ka dib markii warbaahinta Iiraan ay tabisay in qarax xooggan laga maqlay gudaha magaalada Isfahaan.