Dhageysiga afaraad ee kiiska wariye Cabdalla Muumin oo loo baajiyay

0
559

Kiiskii dacwadda loo haysta xoghayha SJS, Cabdalla Axmad Muumin ee ka socotay maxkmadda gobalka Banaadir oo loo ballansanaa maalinta berri ah ayaa loo baajiyay cabsi laga qabo weerar Al-Shabaab.
Qoraal ay maxkamaddu u soo dirtay dhinacyada uu khuseeyo kiiska ayaa lagu yiri:
“Asc dhinacyada dacwaddii ciqaabta ahayd ee Cabdalla Axmad Muumin eedeysanaha ka ahaa ee mudeynteedu idin soo gaartay ballansaneydna maalinta Khamiista 8:30Am maxkamaddu wey baajisay duruufo la xiriira xaga amniga, dib ayaana laga soo mudey doonaa insha allaah mahadsanidiin”
Cabsidan amni ayaa imaanaysa xilli maalinkii Axadda ay Al-Shabaab weerar iyo qaraxyo saacado socday ku galeen xarunta dowladda hoose ee gobalk Banaadir.