Hoggaamiyaha Isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga ayaa iska fogeeyay eedeynta ay u jeedinayaan madaxweynaha dalka William Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua ee ah inuu isku soo baxyada uga gol-leeyahay in dowladda ay la gasho heshiis siyaasadeed.
Raila Odinga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ka dalbaday inuu caddeyn u keeno hadalkii ahaa in xilligii doorashadii guud ee sanadkii hore la isku dayay in la afduubo oo la dilo guddoomiyaha IEBC Wafula Chebukati.