DHAGEYSO:Gawasco oo sheegtay in cillad jirta awgeed ay biyaha Garissa yaraan doonaan

0
473

Xiriiriyaha bulshada ee shirkadda biyaha iyo bullaacadaha ee magaalada Garissa ee Gawasco Cumar Cabdullahi Nuur ayaa sheegay in maalinkii Isniinta ee toddobaadkan ay shirkadda soo foodsaartay cillad dhanka mashiinnada ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in magaalada Garissa muddo labo ilaa saddex cishe ah in laga dareemi doono biyo yari sidaas awgeedna ay dadweynaha ugu baaqayaan inay dulqaataan sidoo kalena ay bixiyaan qarashaadka biyaha ay isticmaalaan.