Dowladda oo loogu baaqay kordhinta musharaadka shaqaalaha

0
380

Xoghayaha guud ee dallada ay ku mideysan yihiin ururrada shaqaalaha ee COTU,Francis Atwoli ayaa dowladda ugu baaqay inay mushaar kordhin u sameyso shaqaalaha.
Waxaa uu sheegay inuu jiro sicir barar nololeed sidaas awgeedna howlwadeennada ay hadda u baahan yihiin garab istaag dhaqaale.
Mushaarka ugu hooseeya ayaa hadda ah 15,120 shilin maadaama uu madaxweynihii hore ee wadanka Uhuru Kenyatta uu dib u eegis sameeyay 1-dii bishii shanaad ee sanadkii hore.