DHAGEYSO:Ruto oo ballanqaaday inuu la shaqeyn doono madaxda Nyanza

0
209

Madaxweynaha dalka William Ruto oo maanta socdaal ku tagay ismaamulka Homa Bay ayaa ballanqaaday inuu la shaqeyn doono madaxda gobolka Nyanza iyo si guud wadanka.
Markii uu halkaasi tagay ayaa waxaa madaxweynaha iyo wafdigiisa soo dhaweysay barasaabka dowlad deegaanka Homa Bay Gladys Wanga.
Ruto ayaa sheegay in ujeeddada uu ka leeyahay la shaqeynta madaxda la soo doortay ee xisbiyada kala duwan ay tahay xaqiijinta horumarka guud ahaan wadanka iyadoo aan la eegin taageerada ama kala duwanaanshaha siyaasadeed.
Ruto ayaa sheegay in laga soo gudbay xilligii siyaasadda oo la joogo wakhtigii ay madaxda iska kaashan lahaayeen inay diiradda saaraan arrimaha horumarka.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay mashaariic horumarineed ka billowday Homa Bay waxaana ka mid ah suuqa kalluunka oo lagu dhisaya 300 oo milyan oo shilin.
Madaxweynaha oo Homa Bay ku daahfuray wajiga koowaad ee mashruuca dhismaha guriyaha qiimo ahaan la awoodi karo ayaa ballanqaaday inuunan jiri doonin ismaamul ku dambeya arrimaha horumarka siyaasad awgeed.

Ruto ayaa sheegay inay qasab tahay in lagu guulaysto qorshaha guriyeynta ee dalka.
Mashruuca uu maanta ka daahfuray Homa Bay ayuu xusay inuu qayb ka yahay dadaallada dowlad deegaankaasi looga dhisaya 5,000 oo guriyo ah.
Waxaa uu intaasi ku daray in dowladda dhexe ay hal bilyan oo shilin ku bixin doonto mashruuc dhinaca biyaha ah oo laga hirgelinaya ismaamulkaasi.
Waxaa uu beeralayda soo saara suufka ee gobolka Nyanza u xaqiijiyay in dowladda ay ku dadaalaysa sidii waxdaasi isbeddel loogu sameyn lahaa.
Ruto oo ay wehelinayaan ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua , wasiirka isgaarsiinta Eliud Owalo, wasiirka waxbarashada Ezekiel Machogu iyo xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Raymond Omollo ayaa gobolka Nyanza ku sugnaan doono labo cisho.
Galabta ayuu gaaray Kisumu waxaana la filayaa inuu berri u sii gudbo ismaamulka Siaya.